Category: NewsTag: , , , ,

Waa Caruur Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Minneapolis oo ah halka ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan ee gobalka Minnesota. Waxa ay la heesayaan fanaanka Xasan Nuur “Aar maanta” oo habeenkii xalay ahaa Xarunta Cedar Caltural ku daah furay albam cusub oo magaciisu yahay Ubadkaa mudnaanta leh.

Albumkaan oo ay iska kaashadeen Xarunta Cedar Cultural, Fanaanka Aar Maanta iyo Pro. Siciid Saalax Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota, ayaa waxa uu sidaa heeso Soomaali ah, kuwo Afka Ingiriiska lagu qaadayo oo ay caruurtu curiyeen iyo gabayo ay isla ubadku ku luuqeynayaan.

Fanaanka Xasan Nuur oo loo yaqaano “Aar Maanta” oo horkacayay caruurtii Bandhigfaneedka la la wadday, ayaa VOA u sheegay in ujeedada soo badhigista albumkan ay ugu wayntahay in caruurta la dhiirigaliyo, afkooda io dhaqankooda la jecleysiiyo.

Xarutna Cedar Cultural inkasta oo ay ku caanbaxday soo bandhigista bandhigfaneedyo ay fanaaniin Soomaaliyeed garwadeeno ka yihiin, hadana waa markii ugu horeysay ee ay Soo bandhigaan  heeso iyo suugaan u gooni ah ubadka Soomaaliyeed. Soomaalida  suugaan ku noosha ah ee aan ka baaqan badhigfaneedyadooda waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Mukhtaar oo arrimaha dhalinyarada ka shaqeeya, xalayna ay uga duwanayd habeennadii  kale ee uu goobtan imaan jiray.

Albumkaan ubadkaa mudnaan leh ayaa noqonayaa Albumkii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee caruurta loo sameeyo, laftooduna ay ka qeybqaadanayaan. Heesta halkudhigga u ah albumka iyo dhowr kaleba, waxaa hal abuuray Pro. Siciid Saalax Axmed oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota. Waxa uuna ii sheegay in isaga iyo fanaanka Aar Maanta ay sii wadi doonaan barnaamijyada sare loogu qaadayo fahamka caruurta ee afkooda iyo cidda ay yihiin.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay bandhigfaneedkaan mid waaliddiinta u furaya wadadii ubadkood ku hagi lahayd barashada afkooda, oo caruurta qurbaha ku koreysa uu dhib badanka heysto. Xalwo xuseen waa habeenkii ugu horeeyay ee ay xarunta Cedar Caltural Centar u timaaddo bandhigfaneed. – Xalwo Xuseen

Caruurtii Soomaaliyeed ee xalay badhigfaneedka la dhigay fanaank Aar Maanta, kuma aaney dhiirran oo keliya inay ku heesaan af Soomaali oo aan looqaddooda koowaad aheyne, waxa ay dumiyeen darbigii ahaa kuma hadlaan Afsoomaali. Waxayna noqdeen xiddigo magac ku dhexyeeshay caruurta kale ay wax la bartaan.

Maxamuud Sh. Axmed Mascadde, VOA, Minnesota.

Leave a Reply