Category: NewsTag: , , , ,

By NorSomNews

Guriga dhaqanka Norway oo marti galin doona barnaamijka dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda soomaalida

Guriga dhaqanka iyo hiddaha Norway (litteratur-huset), ayaa bisha nagu soo food-leh ee may, marti-galin doono barnaamijyo looga hadlayo dhaqanka, gabayada, hiddaha iyo taariikhda soomaalida. Barnaamijkaas oo socon doono mudo sadex maalmood ah( 5-5-2017 ilaa 7-5-2017).

Dadka lagu casuumay barnaamij dhaqameedkaas, ayaa waxaa kamid ah fanaanka soomaaliyeed ee Aar Maanta iyo qoraaga Ingiriiska u dhashay ee taariikhda soomaalida wax ka qoro ee Martin Orwin.

Sidoo kale waxaa lagu casuumay gabdho dhalinyaro soomaali ah oo iyagana qoreyaal ah.

Halkan ka akhri programka barnaamijkaas

Leave a Reply