Category: NewsTag: , ,

Xarunta Fanka Cedar ee magaalada Minneapolis, oo ka mid ah xarumaha ay fanaaniinta caalamka ay ku soo bandhigaan fankooda kala duwan ayaa waxa ay fanaanka Soomaaliyeed ee Xasan Nuur oo ku magac dheer Aar Maanta ay u magacaabeen Fannaanka xulashada Sanadka ee 2018 ilaa 2019.

Maamulka xarunta Fanka ee Cedar Alana Hortan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan tahay in uu magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu soo gaaray fannaanka qurba joogta ah ee lagu magacaabo Aar Maanta oo dhowr jeer oo horey u baaqday cillad dhanka dal-ku galka ah ama fiisada.

iyadoo arintaasi ka hadlaysay ayaa waxa ay tiri “Waa ku faraxsanahay in Aar maanta uu soo gaaro magaalada Minneapolis. aad bay noogu balaaran tahay in aan aragno fanaan aad u weyn farxad bay noo tahay  in uu noo yimaado Aar Maanta oo uu ka qeyb galo maalinta Farxada badan ee Ciida.

Dhanka kale Aar Maanta ayaa waxaa la siiyey abaal marinta la yiraahdo Joyce Award oo sanadkiiba mar la bixiyo taasi oo fanaanka iyo Xarunta Cedar oo loogu taageerayo dhanka duubista iyo soo bandhiga muuqaalo Soomaali iyo Ingriis isugu jira oo loogu tala galay caruurta.

Hadaba Fanaanka iyo kooxdiisa ayaa maalinta sabtida bandhig  ciideed oo loogu tala galay waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ku qabanaya Spring Cafee Como lakes oo ku yaala magaalada St Paul ee gobolka Minnesota sida uu sheegay Abdul Ibraahim oo ka mid ah qaban qaabiyaasha xafladani, “Maalinta Sabtida ayuu bilaabanayaa bandhiga fanaanka Aar Maanta halkaasi oo loogu tala galay in ay ka soo qeyb galaan waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ayuu yiri Abdul Ibraahim.

Ugu danbeynti Aar Maanta oo la hadlay tv-ga Universal ayaa sheeegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo gaaro dalka maraykanka, imago farxada ciida qeybsan doono bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka mataanaha ah ee St Paul iyo Minneapolis.

Aar maanta ayaa safka hore kaga jira fanaaniinta Soomaaliyeed ee sida tooska ah u heeso.

Universal Tv, North America.

Leave a Reply