Category: BlogTag: , , , ,

Qoraalkii Elmi Awale 

Rag hore ayaa laga hayaa, noloshu ba, muusiigl’aani, in ay gef ku sugnaan lahayd!

Ereyo sidaas oo kale u fudfudud, misana ay ku raran yihiin ujeeddooyin aad u WAAWEYNI, waxa is haleelsiin karayo Abwaanno naadir ah. Waa dhif si loo helo Abwaan Xudeydi oo kale. Ilaahay ha inoo daayo, cimri iyo caafimaad waara na, ha inoo siiyo. Aamiin.

xareedin lagu qaadayo cod aan laga ba xiisadhaceyn, ayaa i dishay se! Waa Boqor Aar Maanta oo mar kale nagu saameyneyso hees qaraami laga ammamuday ammaan dumar — faanka, Abwaanka ragga ihi, uu ku faaniyo, naf kaleeto — nafta, ruuxdiisu ay u jeelan yahay. Allaylee, hees weeyaan geddii “Raaxeeye” ba, aan anigu na, weligay uga dabadhici doono.

  1. Adigiyo dayaxa afar iyo tobnaad
    Waxaan eegto oon ku ildoogsadaad
    Ugu roon tihiin!
  2. Adigiyo naftii isu kay gashee
    Waxaan eersadoon ku abaalqabaad
    Ugu roon tihiin!
  3. Adigiyo la sheeg oorida Jannada
    Waxaan aaminoon la aroosgalaad
    Ugu roon tihiin! – Abwaan Xudaydi

Leave a Reply